Waxaa si guul ah kudhamaaday shirkii caadiga ahaa ee Faraca Midnimo ee kahowl gala Xerada Qoxootiga Dhagaxlay.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ayaa lagu furay aayado Qur’an ah iyo wacdi diini ah waxaana si toos ah looguda galay ajandayaashii shirka.

Gudiga Faraca Midnimo ayaa ugu horaynba xubnaha uga warbixiyay xaaladaha guud ee Geeska Africa, gaar ahaan xaalada Qoxootiga oo indhawaalaba kacsanayd.

Sidoo kale Gudiga ayaa xubnaha uga warbixiyay shirwaynaha JWXO ee lafilayo in uu dhawaan kaqabsoomo gudaha Wadanka Ogadenia, kaas oo ahmiyad gaar ah uleh shacabka Soomaalida Ogadenia.

Dhinaca kale TV-ga caalamiga ah ee HCTV oo kulanka warbixin dheer kadiyaariyay ayaa waraysiyo layeeshay Gudoomiyaha Qoxootiga Ogadenia ee xerada Dhagaxlay Mudane Cabdi Maxamed Gaaciye iyo Gudoomiyaha Faraca Midnimo Halgame Cabdiqani Maxamed.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii Faraca Midnimo ee xerada qoxootiga Dhagaxlay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay