Waxaa si guul ah kudhamaaday kulan balaadhan oo ay yeesheen xubnaha Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) ee Dagmada Wardheer.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Halgame Isxaaq Ilkacase oo ah Hogaanka Arimaha Ururka ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Addis Ababa, oo kamid ahaa waftiga JWXO ee Gobolka Doollo.

Halgame Isxaaq ayaa dhalinta OYSU ee magaalada Wardheer usheegay in latayeeyo howlaha Ururka Isla markaana lamuujiyo kaalinta Dhalinyarada oo ah xooga maanta.

Halgame Isxaaq ayaa sidoo kale dhalinta usheegay in lagaadhay xiligii qalinka lagu dagaalami lahaa taasna lagu gaadhi karo in lakobciyo aqoonta iyo garaadka Dhalinyarada.

Dhalinta OYSU ee Dagmada Wardheer ayaa wada howlo muhiim ah oo lagu dardar galinayo shaqooyinka umada ee kajirta guud ahaan Gobolka Doollo.

ONA/Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay