Waxaa Dagmada Qalaafo ee Gobolka Shabeelle gaadhay wafti Kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo uu hogaaminayo halgame Xuseen Maxamed Nuur oo kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO.

Halgame Xuseen Nuur ayaa kulan balaadhan uqabtay Odayaasha dhaqanka ee Dagmada iyo waliba xubnaha JWXO ee Dagmada Qalaafo, isagoo kala hadlay isku duubnida iyo wada jirka Shacabka oo ah waxa kaliya ee meel lagu gaadhi karo.

Odayaasha Dagmada Qalaafo ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar uyihiin soojeedinta madaxda JWXO iyagoo sheegay in ay bulshada ku hagi doonaan tubta toosan.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa baryihii udambeeyay guud ahaan gayiga Ogadenia kawaday howlo abaabul oo Shacabka loogu baaqayo midnimo iyo is fahan si loogaadho danaha Shacabka.

Bishaar Cabdulaahi.
ONA/Qalaafo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay