Waxaa Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobalka Erar Lagu qabtay Shir si heer sare ah ay u soo abaabuleen Masuuliyiinta Unugta Jwxo ee Dagmada Fiiq.

Waxaana ka soo qaybgalay, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Fiiq.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd Abaabul iyo in Bulshada la lasocodsiiyo Marxalada Cusub ee Halganka iyo sidii looga qayb qaadan lahaa, hawlaha Shirwaynaha Afraad ee ka socda dalka, waxaa Furay gudoomiyaha Unugta Jwxo ee Dagmada isagoo warbixin waafi ah ka bixiyey xaalada guud ee dalka, marxalada la marayo, Wuxuuna ku dheeraaday sidii midnimada xubnaha ururka loo sii adkayn lahaa.

Intaas kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey Naftiihure Cabdinuur Faroole oo si cilmiyeysan u sharaxay waxa ay JWXO tahay iyo Kaalinta ay bulshadu ka qaadan karto hawlaha Jabhada.

Hooyo Mihiib ayaa Xubnihii Shirka ka soo qayb galay kula dardaarantay in ayna marnaba ka daalin Hawlaha halganka Isku duubnina Markasta la Muujiyo.

Masuuliyiinta kala ah Axmednuur iyo Bashiir Saxane oo ka mid ahaa Halgamayaashii shirka ka hadlay ayaa sharaaad qurux badan ka bixiyey, in ay Jwxo tahay Ururka kali ah ee Wadaniga ah, islamarkaasna wax ka badali kara Nolosha Bulshada ku dhaqan dalka.

Shirka ka dhacay Magaalada Fiiq oo dad badan ay ka hadleen ayaa ku soo dhamaaday Jawi ay ka Muuqato Farxad iyo rayn rayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay