Waxaa Dagmada Saaxdheer ee Xuduuda Ogadenia iyo Somalia gaadhay wafti balaadhan oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo uu hor kacayay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO ahna kusimaha Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Axmedyaasiin Sheekh Ibraahim.

Garaadka Guud ee Beelwaynta Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac iyo odayaal uu hogaaminayay ayaa waftiga kusoo dhaweeyay meel 15km ujirta magaalada Saaxdheer oo Dagmada Galxamudh ee Gobolka Doollo katirsan, halkaas oo si heer sare ah uu Garaadku umaamuusay Madaxda JWXO ee booqashada kutimid magaalada Saaxdheer.

Soodhawayn iyo Maamuus heer sare ah kadib Waftiga JWXO ayaa loogalbiyay qasriga Garaadka oo kuyaala badhtamaha Magaalada Saaxdheer, halkaas oo iswaraysi qoto dheer ay kuyeesheen Garaadka iyo Madaxdii JWXO ee gaadhay Magaalo Xuduudeeda Saaxdheer oo waftigu ay soogaadheen kadib Socdaalkii Barakaysnaa ee Saxansaxo oo ay waftigu kumarayeen Gobolka Doollo.

Dhinaca kale madaxda JWXO ayaa siwayn ugu Mahad celiyay Garaadka Soomaaliyeed ee Casuumada usameeyay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, waxayna madaxdu sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin lakulanka Garaadka.

Wixii kasoo kordha Waftiga JWXO iyo Garaadka kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA Saaxdheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay