Waxaa Xalay oo Arbaco ahay kulan gaar ah Magaalada Saaxdheer kuyeeshay Madax Katirsan JWXO iyo Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Kulankan oo Kadhacay qasriga Garaadka ee Magaalada Saaxdheer ayaa ahaa mid muhiim ah oo Garaadka iyo madaxdu ay si waafi ah isugu xogwaraysteen.

Madaxda JWXO oo uu hogaaminayo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa Garaadka uga warbixiyay marxalada guud iyo hadafka JWXO oo ah mid ku qotoma wada tashi iyo is ixtiraam.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa Garaadka usheegay in uu dhawaan magaalada Godey kaqabsoomi doono shirwaynihii umada kaas oo wax garadka wadankuna ay kasoo qayb gali doonaan.

Garaadka ayaa dhankiisa sifiican usoo dhaweeyay hadafka JWXO iyo shirwaynaha lagu wado in uu dhawaan qabsoomo hadii Alle Idmo.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si farxad leh kudhamaaday kulankii Garaadka iyo madaxda JWXO dhex maray.

Tuuladiid.
ONA Saaxdheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay