Waxaa goor dhaw oo fiid nimadii caawa ah magaalada Buuhoodle gaadhay wafti Kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Xoghayaha Guud Ee JWXO ahna Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim.

Waftigan oo maanta Barqinkii kasoo baxay Magaalada Saaxdheer ee Xuduuda Ogadenia iyo Somalia ayaa soomaray dhul aad ubalaadhan oo dadka kudhaqan ay waftiga aad usoo dhaweeyeen.

Odayaal magac leh, aqoonyahan iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Dagmada Buuhoodle ayaa waftiga si maamuus leh ugu soodhaweeyay magaalada kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay kufaraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO ee socdaalka barakaysan ee Saxansaxo kujiray.

Wixii kasoo kordha socdaalka waftiga JWXO ee Buuhoodle kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA/Buuhoodle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay