Waxaan weli ku guda jirnaa sirtii aan ka helnay gumaysiga. Qaybtan waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu gumaysiga uga argagaxsan yahay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaha ay wadaan iyo qorshaha uu u dajiyay inuu kula dagaalamo xubnaha firfircoon ee jaaliyadaha.

Dabcan, sidaan horeyba idiinku soo sheegnay waxaan haynaa kayd farabadan oo qaarkood aanan soo bandhigi doonin waqtigan xaadirka ah asbaabihii aan horey idiinku sheegnay darteed. Waxaadse ka heli doontaan qaybtan 5aad arima badan oo muujinaya inay Itobiya u qoondaysay miisaaniyad xoogan oy kula dagaalanto jaaliyadaha iyadoo u adeegsanaysa miisaaniyadaa waxay ku tilmaameen abaalmarin iyo dacaayada. Waxaa kaloo aad arki doontaa in sirdoonka Itobiya kaalin weyn laga siiyay hirgalinta barnaamjika lagula dagaalamayo jaaliyadaha. Kaalinta sirdoonka ayay warqadda odhanaysaa waa inay qaadaan talaabo dhabarka ka jibin karta cidkasta oo horboodaysa fashilinta ama qaadacaada hadafka dawladda.

Warqaddan waxay ka hadlaysaa mashruuc muhiim ah oy ku magacaabeen inuu badbaado u yahay qaranimada Itobiya iyagoo u qoray sidan; (..  hawlgalka badbaadada qaranka ..) oo ah cinwaanka guud ee mashruuca.

Masruuca loogu talagalay Qurbajoogta wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan, hasa ahaatee isku meel ku biya shubanaya, in laga badbaadiyo Itobiya Qurbajoogta. Sababta ay u aamineen in Qurbajoogta ay yihiin kuwa siday sheegeen burburinaya qaranka Itobiya waxay salka ku haysaa dawladda Itobiya oo jiritaankeeda uu ku xidhan yahay dawarsiga iyo mucaawanada ay ka helaan dawladaha caalamka, sidaa darteed hadii laga xidho biilkaa la siiyo waxay u arkaan waana hubaal, inay xukuumadooda ama Itobiyaba burburayso.

Hordhaca warqadda oo loo qoray hab loo yaqaano -Indoctrination ama Jahayn- loola jeedo xubnaha loo carbinayo fulintan hawshan in lagu shubo fikrad ah in ururka EPRDF (IHAADHIIG) yahay badbaadada dadka Itobiyaanka ah iyo kuwa la rabo inay noqdaan Itobiyaan. Waxaa ka mid ah Jahayntaa in loo sharxo Itobiya inay ka kooban tahay 74 qawmiyad oo kala af ah kala dhaqan ah, aaminsan diima kala duwan; Masiixi iyo Islaam iyo kuwa kale. Ujeedada loogu shubayo qodobkan gaar ahaan waa in laga dhaadhiciyo kuwa gumaysiga ku jira gaar ahaan Somalida Ogadenya een waligood ka mid noqonin Itobiya inuu ka mid yahay qabtolkaa la’isugu keenay magaca Itobiya. Intaa ka dib, waxaa loo sheegayaa inay Itobiya marxaladihii ka horeeyay EPRDF/TPLF ahayd meel mugdi ah oo aan ka jirin sharci iyo dimoqraadiyad. Haddase uu jiro sharci loo siman yahay iyo xukun ay qawmiyad walba iskeed isku xukunto. Waxaa dadka laga qarinayaa maamulka Addisababa fadhiya ee dalka gacanta birta ku xukuma, waxaana loo duwayaa inay qawmiyad walba iska dhex daawato M/weynaha loo sameeyay ee Meles uu magacaabay. Waxaa ka mid ah waxyaabaha ku qoran cutubkan;

Kadib markii uu bilawday hanaanka sinaanta iyo cadaalada ee uu hormuudka u ahaa urur waynaha EPRDF waxaa guud ahaan Itoobiya laga dareemay dabayl xoriyadeed oo horseeday inay qoommiyad walba xaq u yeelato katashiga aayeheeda iskuna maamusho afkeeda, diinteeda iyo dhaqankeeda. Waxaa lasameeyay 9 ismaamul oo kala ah; ———————-.

Marka intaa la cabsiiyo oo lagu shubo, ayaa waxaa loo sheegayaa qofka la doonayo inuu fulinta mashruucan qayb ka noqdo inay jiraan qaar aan aaminsanayn wanaaga xukuumadda Wayaanaha ay sameeysay, kuwaasoo ah cadaw meela kale laga soo diray, sidaa darteed waa in la’iska kaashadaa sidii loo soo xira galin lahaa ama dhabarka looga jabin lahaa. Sidan ayuu u qoran yahay;

  • Waxaa jiray xubno kale oo shar wadayaal ah oo kabiya diiday hanaanka wanaagsan ee ka bilawday dalkeena hooyo kuwaas oo lahaa dano u gooni ah sida xukun raadis dhaqaala doon iyo waliba qaar xambaarsanaa dano shisheeye oo u adeegayay cadawga dalkeena hooyo.

Kooxdan lagu tilmaamay (shar wadayaal) oo ah jaaliyadaha ka soo horjeeda gumaysiga Itobiya ama xukunka Wayaanaha ayaa dhibaato ku haya dawladda Itobiya kuwan sida ay baadhitaan dheer ku soo ogaatay Wasaaradda AD . Dhibaatada ay sheegayaan waxaa ugu muhiimsan u soo bandhigidda caalamka xasuuqa ay ku hayaan dadka shacabka sida aan ka ogaan doono qoraalka, taasoo keentay in dawladaha deeqda bixiya ay su’aalaan deeqdii ay bixiyeen sida ay dawladda Itobiya u isticmaashay. Waxay qoreen;

  • Kadib baadhitaan dheer oo ay samaysay Wasaarada Arimaha Dibada iyo dublamaasiyada Itoobiya waxaa lagu ogaaday inay jiraan caqabado farabadan oo u dhexeeya xukuumada dawlada Federalka ah ee Itoobiya iyo qaybo kamida wadamada deeqda bixiya iyo kuwa saaxiibka dhaw la ahaa dalkeena Itoobiya caqabadahaas oo ay horseed u ahaayeen xubno qurba joog ah oo cabsan kuna qanacsan hadafka dadka gaarka ahi wataan ee ah in la abuuro dagaal aan wax sabab ah salka ku haynin oo laga dhex abuuro bulshada reer Itoobiya iyadoo qaybo kamida bulshada reer Itoobiya laga dhaadhicinayo inay yihiin bulsho la adoonsado una baahan in ay xoroobaan; sida qoomiyadaha daga dhanka Bariga iyo Koonfurta bari ee Itoobiya sida Somalida iyo Oromada oo ah bulsho leh xukuumado u gooni ah iyo waliba barlamaano wasiiro iyo madax waynayaal iskuna maamula afkooda diintooda iyo dhaqankooda.

 

  • Sikastaba ha ahaatee ugu danbayn waxaa soo gaadhay xukuumadeena dalka hooyo caqabad ka timid dhanka bulshada caalamka oo ay hormuud u yihiin wadamo dana gaar ah ka leh buun buuninta dhamaan waxkasta oo lagu dhaleecaynayo dalkeena hooyo. Waxaa bilawday dhaleecaymo ay soo jeediyeen kuwo isku sheegay inay yihiin kuwa dhawra xuquuqda insaanka iyagoon samaynin baadhitaano iyo xaqiiqa raadin midna. Hadaba hadal iyo dhamaantii xukuumadu markay ogaatay meesha ay caqabaduhu ka yimaadeen waxay bilawday dadaal ku wajahan soo xero galinta iyo habaynta qurbajoog aaminsan kuna qanacsan hadafka dawladda iyo hanaanka siyaasadeed ee xukuumada Federalka Itoobiya.

Hordhacaa (orientation) Jahaynta ah ka dib, waxay warqadda guda galaysaa ujeedada barnaamijka oo ah; Samaynta gudi tayo leh oo dardargalisa hawlaha iyo hadafka dawladda ee ku wajahan ; Qurbajoogta

 Taasoo loola jeedo sidii loo soo xero galin lahaa ama loola dagaalami lahaa jaaliyadaha ay ku tilmaameen –Sharwadayaal-. Waxaa lagu muujiyay warqadda haya’adaha iska kashan doona hawshan iyadoo midwalba la astaameeyay hawlaha uu fulinayo. Waxaa kaloo lagaga hadlayaa qoraalka siyaabaha loogu talagay in Qurbajoogta lagu soo kala furfuro. Arimaha xiisaha lehee lagu xusayo warqaddan waxaa ka mid ah inay Itobiya markay ka quusatay beentii ay u sheegi jireen kuwii ay jaaliyadaha ula bexeen -Dabaqoodhiga doolka- inay go’aansatay in laaluush loo balan qaado qofkii qurba-joogta ka yimaada gaar ahaan kuwa dhaq-dhaqaaq badan sameeya ee warbaahinta ka hadala oo ku amaana Itobiya oo ka hadla inuu ka jiro amaan dalka. Waxay warqaddan si dhab ah u cadeynaysaa inay yihiin calooshood u shaqaystayaal danahooda fushanaya kuwa isu dabamaraya ee kolba aan arkayno iyagoo taagan Jigjiga ama ka hadlaya TV-yada u kireysan Itobiya. Waxaa ka mid ah qodobada;

  • Waxay xukuumadu magacawday gudiyo ka kooban dhamaan Dawladaha  Deegaanda iyo Wasaarada Arimaha Dibada oo kaashanaysa Waaxda Sirdoonka. Waxaa kale oo ay dawladu samaysay qorshe lagu soo jiidan karo qurba joogata oo gundhig u ahaan doona hawlgalka badbaadada qaranka.
  • Waxay xukuumadu u balan qaadaysaa dhamaan cidkasta oo u gudata shaqadeeda sidii loo baahnaa in loo gacangalin doono aduun lacageed mid dhul iyo waliba in loo aqoonsan doono inuu yahay halyay ku haboon inuu helo martabad uu kala jaanqaado siyaasada wadanka gaar ahaan mida deegaanka uu kasoo jeedo.
  • Waxaan hirgalinay in dhamaanba xubnaha u jajaban hirgalinta hadafka dawladda ee qurbajoogta intooda aan ku jirin muwaaqirka (shaqaalaha) dawladu ay helaan dhiirigalin ku salaysan shaqada ay hayaan iyadoo xubnaha guta shaqadooda lagu abaalmarin doono in la siiyo eheladooda aadka ugu dhawdhaw ee kunool wadanka gudihiisa boosas amaba martabado siyaasadeed amaba xilal ay ku qancaan iyadoo loo eegayo shuruucda dawladda.  

 Waxaa kaloo lagu qeexayaa barnaamijka hawlaha laga doonayo inay qabtaan safaaradaha Itobiya iyo kooxdan daba-dhilifka ah ee la shaqeeya sida;

  • Waxaa hubaal ah in ayna ku koobnaan doonin shaqada safaarada iyo sirdoonku bulshada qurbajoogta reer Itoobiya balse sidoo kale loo baahanyahay in laga hawlgalo bulshada asal ahaan u leh wadanka ay hawgalka ka wdaan. Xubnaha u carbisan hadafka dawladu waa inay la sameeyaan xidhiidho kala duwan bulshada wadaniga ah si looga dhaadhiciyo inay jirto xukuumad xalaal ah saaxiib dhawna lanoqon karta wadankooda.

Qodobada laga doonayo inay fuliyaan gudiyada ay ku wada jiraan sirdoonka Itobiya iyo kuwa la shaqeeya safaaradaha ayaa lagu qeexayaa halkan. Muhiimadda ugu muhiimsanee ay fulinayaan kooxdan waa inay warbaahinta dalalka ay joogaan ka aafiyaan amaanta xukuumadda Itobiya gaar ahaan Meles Zinawi iyo inay soo jaajuusaan oy soo gudbiyaan magacyada xubnaha firfircoon ee jaaliyadaha si eheladooda looga aargoosto. Qodobada arimahaa ka hadlaya ee qeexaya waajibaadka saaran jaaliyadaha laga samaynayo dibadda waxaa ka mid ah;

  • Warbaahinta wadamada ay ku dhaqan yihiin.

 

  • Fashilinta isku dayada ay kawadaan wadamada ay ku noolyihiin iyadoo la adeegsanayo xubno sirdoon ah oo aad u tayo sareeya.

F.G. Waxa la fashilinayo waa hawlaha ay wadaan jaaliyadaheena.

  • Waxaa lagama maarmaan ah in lasameeyo ururo bulsho oo huwan magacyo maxali ah balse ay muhiimadoodu tahay shaqada ay u hayaan qaranka oo ah soo xero galinta bulshada qurba joogta ah iyo samaynta xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya bulshada qurbaha kunool iyo safaaradaha dawlada.

F.G. Ururada bulsho ee ilaa hadda la sameeyay waa kuwa isku magacaaba Horumarinta gobolada (Qorahay, Godey, Wardheer, Shilaabo iwm.) iyo ururada Samafalada ku magaacaban oo markay soo baxayaan loo soo dhiibo muhiimad gaar ah oy ka mid tahay inay Itobiya dacaayad uga sameeyaan dalalka ay tagaan.

  • Waxaa lagama maarmaan ah in la soo gudbiyo dhamaan xubnaha ku jira liiska nabadiidka ka hawlgala qurbaha si gacanta loogu dhigo hadii ay cagaha soo saaraan ciida hooyo isla markaana loola socdo dhaqdhaqaaga iyo xidhiidhka uu lawadaago eheladiisa ku dhaqan dalka gudihiisa.

Waxaa ku cad saxiixa warqadda inay iska kaashadeen diyaarinta mashruuca kuwan hoose, iyadoo lagu baraarujinayo masuuliinta ay ku socoto in la ilaaliyo si aanay gacmaha ay ku tilmaameen (nabad diidka) u galin;

Barnaamujkan waxaa iska kaashaday

Wasaarada Arimaha Dibada, Waaxda Sirdoonka Qaranka & Xafiiska Raysul Wasaaraha.

 Muhiim – Waxaa hubaal ah in loo baahanyahay in dhamaan masuuliyiinta ku hawlan shaqadan ay xafidaan macluumaadkan oo ah mid hadii uu ugacan galo ururada nabadiidku ay uga faaiidaysan karaan siyaabo badan dhabarjabna ku noqonkara siyaasada dawlada.
 
Ato Wubashit Dhamsee – Madaxa Waaxda Xidhiidhka Safaaradaha ee Wasaarada Arimaha Dibada.

___________________________________________________________________________________ 

Warqadda aad ayay u dheertahay waxyaaba badan oo muhiim u ah geedi socodka halganka iyo hawlaha ay fulianyaan jaaliyadaheena ayaana ku xusan. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha ay ku xuseen warqaddan siyaabaha ay ula falgalayaan dawladaha dariska la’ah Itobiya gaar ahaan Somaliya iyo Eretrea. Qodobkan ayaan si gooni ah u soo xulan doonaa.

ONA.

sirtii ethiopia-Ahmaric

Qaybtii 1aad

Qaybtii 2aad

Qaybtii 3xaad

Qaybtii 4aad

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay