Waxaa huteelka Barwaaqo ee Dagmada Marsin ka qabsoomay Shir Balaadhan oo dhex maray Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) Iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Marsin.

Isbarasho iyo kala warqaadasho kadib, Xoghayaha ayaa adayaasha uguud maray Siyaasada guud ee dhulka Soomaalida Ogadenia iyo guud ahaan Geeska Africa, wuxuuna Xoghayuhu ku nuux nuuxsaday in ay lagama maarmaan tahay sidii loola jaanqaadi lahaa is badalada xowliga kusocda.

Dhinaca kale Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Marsin ayaa si qoto dheer Xoghayaha ugu warbixiyay waxayna Odayaashu tilmaameen jidka ay u arkaan in wanaag lagu gaadhi karo.

Gabagabadii Xoghayaha Guud ee JWXO Halgame Maadey iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Marsin ayaa Isla afgartay in wanaaga iyo amaanka dalka si guud looga wada shaqeeyo.

Tuuladiid.
ONA Marsin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay