Waxaa Tuulada Dameero-joog oo Dagmada Bookh ee Gobolka Doollo katirsan Lagusoo Dhaweeyay Waftigii JWXO Ee kujiray Socdaalka Guulwade ee lagumarayo bariga Gobolka Doollo.

Waftigan oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa si diiran loogusoo dhaweeyay Tuulada Dameero-joog, waxayna waftigu wakhti laqaateen shacab farabadan oo ujeelanaa aragtida madaxda JWXO.

Waftiga ayaa wali kujira hayaankii loogu magac daray Guulwade kaas oo lagumidaynayo bulshada kudhaqan wadanka Ogadenia, ee dhibaatooyinka faraha badan soomaray.

Wixii kasoo kordha socdaalka Guulwade kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA/Dameero-joog.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay