Ciidamada cadawga  ee ka hawlgala deegaanka Baabili ayaa waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 20 May 2012  shir  ku qabteen meesha loo yaqaan Ceel -xaar oo Baabili ka tirsan, halkaas oo ay  dadka ku ciqaabayeen. CWXO oo ka agdhawaa goobtaas  ayaa waxaa soo gaadhay fariin sheegaysa in cadawgu dhib badan uu ku hayo dadka shacab ah ee deegaanka.

CWXO oo looga bartay inay  si dagdag  ugu hiiliyaan dadka ay u hureen naftooda ayaa markiiba waxay u dhaqaaqeen aaga Ceel-xaar.  Waqti yar ka diba waxaa halkii ka bilawday dagaal  gacmaha la isula tagay kaas oo  cadawgii uu xamili waayay hugunkii  rasaasta iyo awooda CWXO ay soo saareen. Mudo yar  ka dib  ayaa loo awood sheegtay ciidankii cadawga waxayna doorbideen inay kala yaacaan iyagoo iseedaynaa oo midwalba uu kan kale ku leeyahay adaa ii lahaa. Waxaa isqabatay masharaxada iyo sawaxanka gabdhaha  Ogaadeenya ee hiilka u ahaa xaq-layaasha ciidanka JWXO.

Dagaalkaas oo dhacay manta  oo ay taariikhdu tahay 20 May 2012 ayaa waxaa  wararka hordhaca ah ee soo gaadhay  ONA  ay sheegayaan in  cadawga lagaga dilay 30 askari, iyadoo dhaawacuna uu  intaa aad uga badan yahay.

CWXO oo si  qorshaysan u galay dagaalka ayaa waxa uu halkaa kaga furtay ciidankii cadawga saanad aad iyo aad u badan.

Sidoo kale dagaal xoogan oo ka dhacay 18 May 2012  ceel ka Garigo’an ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 6 askari, waxaana lagaga dhaawacay  tiro kale oo badan.

Dagaalkan ayaa ciidankii cadawga ee galay waxaa la sheegay inuu aad u kala firxaday iyadoo qaybo ka mid ah ay galeen Goomaar iyo Shaygoosh  halka  qaar kale aan  ilaa hada lahayn meel ay ku danbeeyeen.

Ciidanka cadawga ee dagaalkan lala galay ayaa dad ay si gaar ah ula kulmeen waxay u sheegeen inay loo gaystay khasaare balaadhan  islamarkaana ay awoodi waayeen inay iska caabiyaan oo waliba ay uga baxaan goobtii dagaalka si qorshaysan.

CWXO ayaa maalmahn kar horleh waxay galiyeen qorshayaasha dagaalka ee ay ku qaadayaan ciidanka cadawga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay