Waftigan oo kuyimid balan hore oo Xafiiska looga qabtay waxaa hogaaminayay Senior Country Analyst – ms. Johanna Strömberg, waxaana si wayn ugu soo dhaweeyay Xafiiskiisa Hogaanka Siyaasada & Xidhiidhka Ethiopia & Jwxo ahna Madaxa Xafiiska ONLF ee Addis-Ababa Halgame- Xasan Muxummad Aw-Macalin.

Labada dhinac oo yeeshay kulan qaatay saacado badan waxay isla jeex jeexeen xaalada Ogaadeeniya tan Ethiopia iyo Dawrka Jwxo ee Marxalada haatan lamarayo ee guud ahaan Geeska Africa.

Sidoo kale waxay isla lafa gureen baahiyaadka Bulshada ogaadeeniya, Barakacayaasha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, duruufaha nololeed ee Dadka kuxaraysan Qoloji iyo Qaxootiyada wadamada dariska ah ku maqan sida Kenia, Soomaaliya, Yamen, Jabuuti & Ereteria.

Waxaa iyana laga hadlay Tacadiyadii Dalka kadhacay iyo sida xaaladu hada tahay, heerka garsoorka & Cadaalad oogida kuwa faraha kula jira gabood falada & danbiilayaashii horaba iyo kaalinta ay ka qaadan karaan Dawlada Swedish ku.

Dhanka kale labada dhinac oo Xog waraysi Qoto dheer iyo qiimayn dhan walba ah isla yeeshay waxay Masuuliyiintii swedishku ka hadalkeeda kudheeraadeen jihada siyaasadeed ee Ethiopia qaabishay hanaanka Xisbiyada badan Dareenka ay JWXO kaqabto suurta galnimada Doorosho Xor & Xalaal ah dhicitaankeeda, Xisbiyada kala duwan aaraa’adooda ku aadan Doorashada iyo suurta galnimada Qaadicida Xisbiyada Qaarkood, Filashada Jwxo ee kaqayb galka Doorashada & Natiijada ay ka rajaynayaan iyo sidoo kale guud ahaan Dareenka ku gadaaman Doorashada Dalka.

Ugu danbay isfaham wadareed ayay labada dhinac kaqaateen qodobadii laga wada xaajooday waxaana lagu balamay in Swedish ku kaalintooda kaqaataan iyagoo sigaar ah ucarabaabay ku garab istaaga Jwxo ee hanaanka kaqaby galka siyaasada dalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay