Waftigii JWXO Ee uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa si aan laqiyaasi Karin loogu soodhaweeyay Magaalada Dudun oo katirsan Dagmada Galxamudh ee Gobolka Doollo.

Amiirka guud ee beelaha Bariga Gobolka Doollo Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise iyo Wafti Oday dhaqameed iyo Aqoonyahan ah oo uu hogaaminayay ayaa Waftiga JWXO kaga hortagay duleedka magaalado Xuduudeeda Dudun, halkaas oo si heer sare ah ay umaamuuseen.

Amiirka iyo cuqaasha oo uu kamid ahaa Ugaas Cabdiqaadir Cilmi ayaa salaan kadib waftiga ugalbiyay goobtii ay ugu talagaleen halkaas oo ay kusugayeen dadwayne aad utiro badan oo kulabisan calanka iyo calaamadaha JWXO.

Xoghayaha Guud ee JWXO Dr. Maadey ayaa dadwaynaha kula hadlay meel fagaare ah, wuxuuna Xoghayuhu siwayn ugu Mahad celiyay cuqaasha iyo dadwaynaha ree Dudun oo ay kamuuqatay xushmada ay uhayaan waftiga JWXO ee ku jiray socdaalka *Guulwade* oo ah mid lagu midaynayo bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka Ogadenia.

Wixii kasoo kordha socdaalka Waftiga JWXO kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA/Dudun.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay