Waxaa Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar gaadhay Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) oo indhawaalaba socdaal ugu maqnaa qaybo kamid ah Gobolada dalka.

Howl-wadeenka Xafiiska Jabhada ee Dagmada Birqod iyo qaar kamid ah xubnaha JWXO ee Dagmada Birqod ayaa Xoghayaha kusoo dhaweeyay Xafiiska Jabhada ee Dagmada Birqod.

Xoghayaha ayaa ugu horaynba xubnaha uga Mahad celiyay soodhawaynta qiimaha badan ee ay usameeyeen, wuxuuna Xoghayuhu warbixin kooban siiyay xubnaha iyo howl-wadeenka Jabhada ee Dagmada Birqod.

Sidoo kale waxaa xubnaha guubaabiyay Halgame Xuseen Carafaat oo kamid ahaa Waftigii JWXO Ee kujiray socdaalka Guulwade oo lagusoo maray qaybo kamid ah Wadanka.

Waxaa dhankiisa kalmado soodhawayn iyo Mahad celin ah soojeediyay halgame Xassan Raabi Gaas (Xassan Badal) oo ah xidhiidhiyaha Jaaliyada Ogadenia ee dalka Kenya.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si fiican udardaarmay waftiga JWXO iyo Xubnaha Jabhada ee kudhaqan Dagmada Birqod, waxayna waftigu usii dhaqaaqeen Magaalada Jigjiga oo ah meesha ay waftigu kasoo socdaaleen.

Tuuladiid .

ONA/Birqod.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay