Waxaa Tuulada Qaawane oo Dagmada Bookh ee Gobolka Doollo katirsan lagusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee JWXO iyo Wafti uu hogaaminayay.

Waftigan oo kasoo kicitimay magaalada Dudun ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay Tuulada Qaawane oo Dagmada Bookh katirsan.

Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa shacabka kudhaqan Tuulada Qaawane uga xog waramay marxalada cusub ee dalku uu galay iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray ONLf iyo Itoobiya.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa shacabka kudhaqan Qaawane kubooriyay in ay ilaaliyaan Midnimada iyo amaanka, kuwaas oo muhiim u ah nolosha shacabka.

Odayaasha Tuulada Qaawane ayaa dhankooda cadeeyay taageerada ay uhayaan JWXO iyo dhibaatooyinkii soojireenka ahaa ee loogaysan jiray, waxayna Odayaashu balan qaadeen in ay kashaqeeyaan Midnimada una guuraan jihada haboon.

Waftiga uu Xoghayuhu hogaaminayo oo kujiray Socdaalka Guulwade ayaa si habsami ah usii watay socdaalkoodii.

ONA/Qaawane.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay