Waxaa wali lagu dhibaataysan yahay buundadii Laagta Hawaaldigayso oo dhacda duleedka Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay.

Buundada ayaa Go’an mudo dheer waxayna dadka iyo gaadiidkuba muteen dhibaato aad u badan, iyagoo kasoo wareega meel macmal ah oo Laagta dhexdeeda ah.

Buundadan ayaa ah mid ahmiyad wayn leh, waxayna isku xidhaa 5 Gobol oo dhulka Ogadenia ah iyo magaalada Jigjiga.

Dowlada Fadaraalka Itoobiya iyo Dowlada Somali State ayaan ilaa hada waxba kaqabanin gu’itaanka buundadan lagu rafaadsan yahay, waxayna buundadu umuuqataa mid kutaala dhul aan cidna lahayn.

Shacabka Soomaalida Ogadenia ee wadada halbowlaha ah isticmaala ayaa Dowlada Deegaanka iyo mida Fadaraalka ka codsanaya in ay si dag dag ah wax uga qabtaan buundadan oo kutaala wadan hal laami ah oo aan tayo lahayn leh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay