Waxaa Xafiiska JWXO ee Tuulada Duudciid Booqday wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kuwaas oo kusii jeeday shirwaynaha JWXO ee magaalada Goday ka qabsoomi doona.

Waftiga ayaa ahmiyad gaar ah siiyay Xafiiska Jabhada ee Tuulada Duudciid, kaas oo Gabi ahaanba lagu sharaxay calanka JWXO oo riinji kasamaysan.

Waftigan oo isugu jiray xubno katirsan Golaha Dhexe ee JWXO, Kaadirka JWXO iyo Bahda Warbaahinta ee JWXO ayaa bogaadiyay Unugta JWXO ee Tuulada Duudciid.

Sidoo kale Waftiga ayaa lacag ugu tabatucay Xafiiska Jabhada ee Tuulada Duudciid, kaas oo hab qurux badan loogu sharaxay ama looga sameeyay Calanka Jabhada oo aan go’aynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay