Qaar kamid ah Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Magaalada Godey ujooga kaqayb galka shirwaynaha Jabhada ayaa warbaahinta JWXO ee Ilays TV uga warbixiyay Aragtidooda ku aadan shirwaynaha JWXO.

Xubnahan oo kakala yimid dalka iyo dibadiisa ayaa dhamaantood muujiyay rajo wayn oo ay kaqabaan shirwaynaha JWXO oo ah mid ay indhaha caalamku hayaan.

Sidoo kale xubnaha ayaa tilmaamay in uu shirku kusoo aaday xili haboon oo loobaahnaa in ay JWXO dalka gudihiisa Shir intan la’eg ay kuqabato.

Dhinaca kale dadwaynaha kudhaqan Dagmada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle ayaa muujiyay xushmada ay uhayaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo hogaaminteeda mudada dheer Soo halgamay hadana kusoo simay shacabkii xaqle yaasha ahaa.

ONA/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay