Waxaa maalintii 4aad galay shirkii kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo hor dhac u ahaa shirwaynaha JWXO ee maalinta Bari ah kafurmi doona magaalada Godey.

Kalfadhiga Golaha Dhexe Ee JWXO ayaa galay maalintii ugu dambaysay waxaana lafilayaa in uu soogaba gaboobo galabnimada maanta ah, waxayna madaxdu Saxaafada lawadaagi doonaan wixii kasoo baxay kalfadhigii 4ta bari socday.

Ergada Shirwaynaha loogu talagalay ayaa kusoo qulqulaya Magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle, halkaas oo sida laqorshaynayo uu maalinta bari ah kafurmi doono shirwaynihii JWXO hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Godey.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay