Waxaa Garoonka Dayuuradaha ee magaalada Godey kasoo dagay Wafti Culus oo kasocday labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya iyo xubno kale oo muhiim ah.

Waftigan oo uu hogaaminayay Xildhibaan Axmed Xaashi oo kamid ah Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soogaadhay magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle.

Waftiga oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi iyo Siyaasi Maxamed Aamiin Cusmaan iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa Garoonka Dayuuradaha sidiiran loogusoo dhaweeyay.

Madax Katirsan JWXO oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Arimaha Siyaasada iyo Xidhiidhka Heer Faderal Halgame Xassan Muxumed Ow Macalim ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay waftiga Marti sharafta kanoqon doonta shirwaynaha JWXO ee kasocda Magaalada Godey.

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay