Halgame Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax) oo kamid ah saraakiisha ugu sarsaraysa ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa maanta istaagay goobtii isagoo maxbuus ah lagu sooxidhay.

Mudane Cabdikariim ayaa sheegay in markii lagasoo indhaduubay caasimada Umada Soomaaliyeed ee Muqdisho indhaduubkii lagaga furay Garoonka Dayuuradaha ee magaalada Godey.

Cabdikariim Sh Muuse oo warfidiyeenka kula hadlay goobtii lafadhiisiyay isagoo maxbuus ah ayaa sheegay in ragii xiligaas ku duldhaantaynayay ay hada maxaabiis yihiin, iyagoo laga jarayo wixii ay gaysteen.

Sidoo kale halgame Cabdikariim ayaa sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya oo xiligaas sumcad wayn lahaa uu hada yahay qofka aduunka ugu sumcad xun.

Mudane Cabdikariim oo xor ah ayaa maanta Isla garoonkii lagu dhiibay laguna bahdilay maanta kusoo dhaweeyay madax katirsan dowlada Soomaaliya.

ONA/Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay