Kuliyada Beerada ee Dagmada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle oo maalinta barito ah oo Khamiis ah uu kafurmi doono Shirwaynaha JWXO ayaa siwayn loodiyaariyay.

Hoolka Kuliyada oo ah mid aad uwayn ayaa lagu wadaa in ay Bari iska xaadiriyaan dhamaan Ergada loogu talagalay kaqayb galka shirka iyo Marti sharaf aad ufaro badan.

Shirkii kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO oo socday mudo 5 bari ah ayaa lagu wadaa in uu soogaba gaboobo galabta hadii Alle Idmo, halkaas oo wixii kasoo baxayna warfidiyeenka lala wadaagi doono.

Hoolka Kuliyada Beerada iyo maalinta bari ah wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay