Waxaa hoolka Shirarka ee Kuliyada Beerada ee Dagmada Godey si rasmi ah uga furmay shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo indhawaalaba laga dhursugayay.

Kumanaan isugu jira xubnaha JWXO, Taageerayaasha halganka iyo Marti Sharaf heer sare ah ayaa goobta shirka soobuux dhaafiyay waxaana si habsami ah usocda howlaha shirka.

Shir gudoonka ayaa lagu wadaa in ay goordhaw akhriyaan ajandayaasha shirka, kuwaas oo ay ergadu kadoodi doonto.

Wixii kasoo kordha furitaanka shirka kadib kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Godey.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay