Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo Khudbad Mugleh Shir waynaha kudaahfuray.

Gudoomiyaha oo si aan caadi ahayn loogu sacaba tumay wuxuu si kal iyo laab ah kusoo dhaweeyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirwaynaha 4aad ee JWXO kana dhacaya Goday Magac kaste iyo Maqaam kaste oo ay kufadhiyaan Madasha Shirwaynaha Jwxo kasocdo.

Sidoo kale wuxuu si khaas ah uxusay saaxiibada kakala yimid wadamada dariska ah iyo ururada bahwadaagra la ah ONLF ee soo ajiibay kasoo qayb galka shirwaynaha 4aad re Jwxo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu shirku si rasmi ah ufuranyahay isla markaasna sii socon doono maalmaha fooda inagu soo haya.

Isagoo cadeeyay in mudada shirku socon doono lagu dajin doono barnaamijyada halgan ee Jwxo ku hawl gali doonto taasoo sal dhig looga dhigo doono danaha Shacabka Ogaadeeniya iyo Xoriyada dalka.

ONA / GODAY.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay