Waxaa si guul ah kusoo Gaba gaboobay maalintii 1aad ee Shirwaynaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo kasocday Kuliyada Beeraha ee Magaalada Godey.

Shirkan oo maalintiisii ugu horaysay galay ayaa socday saacado badan, waxaana shirka furay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, wuxuuna gudoomiyuhu shirka Kufuray khudbad taariikhi ah.

Sidoo kale waxaa shirka maanta lagu sharfay Marti sharaf aad ubadan kuwaas oo kakala yimid wadamada dariska iyo dunida dacaladeeda.

Dhamaan madaxdii hadashay oo isugu jiray Xildhibaano, Aqoonyahano, Salaadiin iyo siyaasiyiin aad ubadan, kuwaas oo dhamaantood soojeediyay khudbado taariikhi ah.

Shirka ayaa maalinta bari ah dib ufurmi doona hadii Alle Idmo, waxaana bari shirka kasoo qayb gali doona Ergada shirka loogu tala galay oo kaliya, waxaana la jeexjeexi doonaa Ajandayaasha shirka.

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay