Waxaa lagu marti qaaday Wafti ka socda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya JWXO Shir caalami ah oo ka socda magaalada Belfast ee Northern Ireland, Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay ergooyin badan oo kasocday Aduunka siyaasiyiin Iyo wariye yaal caalami ah.

Waxaana looga hadlaayay Saxaafada iyo kaalinta ay ka qaadato kala qaybinta bulshada waxaana soo agaasimay SCI Social Change Initiative.

Waftiga JWXO ee ka qayb galay ayaa horkacayay Agaasime ku xigeenka Wakaalada Warfaafinta ONA ahna Madaxa Social Media ee JWXO Halgame Faysal Abdulaahi Hassan (Wariye Faysal Shilaabo).

Shirkan ayaa wuxuu socon doonaa 2 Maal mood waxaana ka hadli doonaa wariye yaal caalami ah oo uu kamid yahay Mohamed madaxa Haayada CEO ahna soo saarihii hore ee barnaamij Online ah oo ka bixi jiray Tv ga Aljazeera ahaana saxafiyiintii kaalinta ka qaatay kacdoonkii Carabta ee 2011.

ONA/Belfast.
Norhthern Ireland.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay