Waxaa Galabta oo Jumce ah mar kale dib ufurmay shirwaynihii Jabhada ONLf uga socday Kuliyada Beerada ee Dagmada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle.

Shirwaynaha ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana ergada looqaybiyay Ajandaha maanta ladoonayo in laga doodo.

Sidoo kale ergada ayaa maanta ansixin doonta Shir gudoonka howlaha hagi doona inta uu shirku socdo, kuwaas oo kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO lagusoo magacaabay.

Qorshayaasha ergada ee maanta wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay