Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo Furitaankii Shirwaynaha JWXO Ee maalintii labaad Khudbad Kasoo Qayb Galayaasha Ka Qiiraysiisay Soojeediyay wuxuu ku dheeraaday kasheekaynta taariikhdii halgamadii Ogadenia 35kii sano ee udanbaysay JWXO halgankeedii & qaab socodkiisii iyo hagar daamooyinkii kala duwanaa ee Guumaysigu kula dagaalamay Halganka.

Dhanka kale wuxuu bogaadiyay hawl-wadeenkii JWXO ee soo dadaalay 35tii sano ee udanbaysay isagoo kula dardaarmay inay xaqiijiyaan rabitaanka shacbiga Ogadenia ee Xoriyad raadinta beeniyaana Proboganka Cadawga ee iskudayaya tashwiish galinta halganka, halgamaaga & Shacbigaba.

Ugu danbayn kasoo qayb galayaasha shirwaynaha 4aad ee JWXO wuxuu ugu hambalyeeyay soo xaadiritaankooda shirka kuna adkeeyay ilaalinta habraacyada Shirwaynaha inta uu socdo shirku.

ONA / GODAY.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay