Waxaa saaka oo Sabti ah mar kale furmay shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), kaas oo indhawaalaba kasocday Hoolka Shirarka ee Kuliyada Beerada ee Magaalada Godey.

Shirka oo galay maalintii 3aad ayaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka, waxaana toos looguda gali doonaa ajandayaashii shirka oo maanta aad uculculus.

Ugu horaynba waxaa macarafoonka lagu soo dhaweeyay si wada jir ah Xoghayaha guud Dr. Maadeey iyo Ku xigeenkiisa Axmad yaasiin oo labadooduba aha Musharixiinta loo kala xulanayo qabashada Gudoomiyaha JWXO ee badalaya Hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee mudada 21ka sana ahayd soo daadihinayay hayaanka halganka ONLF.

Labada masuul oo midkiiba daqiiqado kooban lahadlay shirwaynaha waxay kula dardaarmeen dhawrista habraaca shirwaynaha ilaalinta iyo adkaynta Midnimada iyo wadajirka Ururka gudihiisa ah iyo ku qanacsanaanta habsami usocodka hawlaha halganka ee marxalada kala guurka ah.

Ugu danbayna waxay urajeeyeen shirka guul wadareed halganka uhorseeda badhaadha iyo xoriyad gaadhsiin.

Wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay