Ciidamada cadawgu waxay si joogto ah u waxyeeleeyaan  dadka  shacabka  ah , taas oo ay  ku qabaan  amar buuxa  oo ay ku siisay dawlada  ay wakiila ka yihiin ee uu horjooga  ka yahay    dhagar qabe  ,dhiig kunaaxa wayn ee males zinaawi. Xadgudubyada  ka dhaca ogaadeenya  ayaa waxaa  ciidanka cadawga lagu siiyaa abaalgud  hadii uu u fuliyo sida loogu talagalay  xasuuqaas, taasina waxay keentay in ciidamada  dhiigyacab zanaawi u tartamaan  sidii loo halaagi lahaa dadka aan waxba galabsan

DIL

waxaa ka mid ah  dhibaatooyinkaa in 15/ 5/12   dil arxandaro ah loogu gaystay Dhumucyar  oo ka tirsan degmada  Qabri dahar  Alle ha u naxariistee

Axmed-Nuur Muxumed aahir

Gubid

11/5 /12  ayaa waxaa dab la qabadsiiyay  reer  ka kooban oday iyo caruurtiisii oo daganaa meesha looyaqaan  Kabog  oo ka tirsan degamada Gunagado waxaana ilaa hada nasoo  gaadhay magacyada

Faysal axmed yuusuf

Maxamed faysal axmed yuusuf

Oo dhamaan aan waxba uga bxin  guryahoodii

jidhdil iyo xadhig

11/5/12  waxaa  si-xun loogu jidh dilay tuulada  Bukudhawo isla markaan lagu xidhay magaalada Awaare  gabdha lagu magacaabo

Yurub Sirdoon Kaariye

12/512  waxaa  sidoo kale  jidhdil   aad u xun loogu gaystay Marsin oo ka tirsan Galaalshe  gabahdha lagu magacaabo

Hibaq Daahir Xasan

 

Dhac Hantiyeed

12/ 5/12  waxaa dhac iyo xadhig la isugu daray  degmada dhuxun  ninka lagu magacaabo

Cali Siyaad  oo laga dhacay  12,000  oo bir islamarkaana xabsiga la dhigay

12/5/12  waxaa Marsin  oo ka tirsan Galaalshe dhac loogu gaystay  ninka lagu magacaabo

Maxamed-yare Macalin Dayr   oo laga dhacay 15  Neef oo Geel ah

Tacadiyadn waxay  qayb wayn ka yihiin  falalka ay ciidamada arxanlaawayaasha ah kula kacayaan dadka ogaadeenya  ,iaydoo ay  si isku mid ah  ugu  ciqaabaan   hadba meeshii ay kula kulmaan  haday tahay xabsiyada iyo goobaha ka baxsanba.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay