Waxaa kasoo qayb galayaasha Shirwaynaha JWXO khudbado dadka ka ilmaysiiyay ujeediyay qaar kamid ah Naftood Hurayaashii Xoraynta Ciida Ogadenia ulixaad beelay oo qaar kamid ah lixaad kooda qaaliga ah waayay.

Naftood hurayaasha ayaa kasoo qayb galayaasha shirka dib uxasuusiyay hoogii iyo hiirtaanyadii loosoo maray qadiyada Ogadenia iyo halyeeyadii naftooda kuwaayay kuwaas oo agoon aad ubadana katagay.

Khudbada Naftood hurayaasha oo aad uqiiro badanayd ayaa ka oohisay dad badan oo kamid ah kasoo qayb galayaasha Shirwaynaha JWXO.

Sidoo kale waxaa Shirwaynaha JWXO ee kasocda Magaalada Godey fadhiyay dhibanayaal in badan kusoo jiray xabsiyada ama beelay lixaad kooda, kuwaas oo dhamaantood ah astaan qaran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay