Waxaa Maanta si guul ah kusoo dhamaaday shir caalami ah oo mudo labo maalmood ah ka socda Magaalada Belfast ee Northern Ireland, shirkan oo ay kasoo qayb galeen ergooyin badan oo ka socotay Wadamada caalamka ayaa looga hadlaayay kaalinta uu social media ka qaato kala qaybinta bulshada.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday Jabhada ONLF waxaana kasoo qayb gashay ergo ka socotay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo uu horkacaayay Faysal Abdulaahi Aw Xassaan (Wariye Faysal Shilaabo) shirkan oo soo abaabuleen Socail Change Initiative.

Shirka waxaa ka hadlay saxafiyiin badan oo caalami ah oo ka kala imaaday dhamaanba daafaha aduunka oo dhan.

Shirkan oo socday Labadii cisho ee ugu danbeeyay ayaa waxaa fikrado badan is waydaarsaday dadkii kasoo qayb galay.

Shirkan ayaa maanta wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah,

ONA/Belfast Nothern Ireland.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay