Waxaa si nabad ah kudhamaatay doorashadii xilka Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo ay usharaxnaayeen labo halgame oo meeqaan sare kajooga bulshada Soomaalida Ogadenia.

Ergada ucodaynaysay musharixiinta utaagan xilka Gudoomiyaha JWXO oo tiradoodu ay ahayd 604 xubnood ayaa Gudoomiyaha cusub ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) udoortay halgame Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) oo kamid ahaa aas’aasayaashii Jabhada da’da wayn ee ONLF.

Halgame Axmed Yaasiin Sh Ibraahim oo ahaa musharaxa Dr. Maadey latartamayay aadna sumcad ugu leh bulshada Soomaalida Ogadenia ayaa siwayn ugu hanbalyeeyay saaxiibkiisa halganka ee mudada dheer ay wada shaqaynayeen.

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay