Waxaa Kuliyada Beeraha ee Magaalada Godey si habsami leh uga furmay xafladii Xidhitaanka Shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo baryihii lasoo dhaafay socday.

Xafladan oo ah mid siwayn loosoo agaasimay ayaa si rasmi ah hada ufurantay, waxaana goordhaw xilka Gudoomiyaha si rasmi ah loogu wareejin doonaa Gudoomiyaha cusub ee JWXO Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey).

Gudoomiyihii hore ee JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo Xidhitaanka Shirwaynilaha xaadir ku ah ayaa goor dhaw lafilayaa in uu Gudoomiyaha cusub kuwareejin doono xilkii Gudoomiyaha JWXO oo mudo 20 sano ah uu soohayay.

Gudoomiyaha Cusub ee JWXO ayaa lafilayaa in uu soojeediyo khudbad uu bulshada ugu cadaynayo jihada loodhaqaaqi doono.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA/Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay