Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada Iyo Arimaha Heer Fadaraal Ee JWXO Halgame Xassan Muxumed Ow Macalim oo kamid ah xubnaha ugu muhiimsan Madaxda JWXO ayaa khudbad mug iyo miisaan leh ujeediyay Kasoo Qayb Galayaasha Xidhitaanka Shirwaynaha JWXO ee kasocday Kuliyada Beerada ee Dagmada Godey.

Mudane Xassan ayaa sheegay in dagaalkii udhaxeeyay Jabhada ONLF iyo Jabhada qoomiyadaha Itoobiya gumaysan Jirtay ee TPLF ay guushu JWXO kuraacday.

Mudane Xassan ayaa sheegay in kacdoonkii kooxda TPLF lagu riday ay JWXO ahayd mishiinkii waday ama tooshka shiday, Isla markaana ay JWXO maanta wadanka joogto halka kooxdii TPLF ay shiraaca laabatay.

Sidoo kale mudane Xassan ayaa sheegay in Xidhiidhka JWXO iyo safaaradaha caalamka udhaxeeya uu yahay mid heer sare ah, horayna usii socda.

Halgame Xassan ayaa dhinaca kale umahad celiyay kasoo qayb galayaasha Shirwaynaha JWXO maadaama oo uu ahaa Gudoomiyaha Gudiga Shirwaynaha.

ONA Godey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay