Waxaa kulan muhiim ah Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay kugalay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Dagmada Shaygoosh iyo Madax Katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Halgame Nuur Muxumed Maxamed Faatule ayaa ugu horaynba Odayaasha uga warbixiyay xaalada guud ee Geeska Africa iyo siyaasadaha isbadalaya ee Itoobiya, wuxuuna halgame Faatule kudheeraaday mowqafka JWXO oo ah mid cad.

Sidoo kale waxaa Odayaasha si mug leh ula hadlay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay Mudane Faysal Naftii Gade, wuxuuna mudane Faysal Odayaasha kubooriyay in ay ka faa’iidaystaan shacabka Dagmadana uga faa’iideeyaan isbadalada dalka kasocda iyo nabada uu Allaah keenay.

Halgame Xassan Maxamed Qani (Xassan JWXO) ayaa dhankiisa Odayaasha kala hadlay in ay shacabka dhiiri galiyaan Kuna booriyaan jidka toosan ee wanaaga lagu gaadhi karo.

Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda si buuxda uqaatay soojeedintii Madaxda JWXO, iyagoo sheegay in ay hiil iyo hooba lagarab istaagayaan Jabhada ONLF iyo mabda’eeda.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Madaxda JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Shaygoosh.

ONA/Shaygoosh.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay