Waxaa Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay kaqabsoomay Shir Balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dadwayne aad utiro badan oo kamid ah dadka Deegaanka.

Ugu Horayn waxaa shirka furay Ugaas Cabdidheere Muxumed Faatule, wuxuuna Ugaasku si mug leh usoo dhaweeyay waftiga JWXO iyo guud ahaan hadafka nadiifta ah ee JWXO ay aaminsan tahay.

Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay halgame Faysal Naftii Gade ayaa dhankiisa shacabka Dagmada Shaygoosh ujeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo dadku ay uriyaaqeen.

Dhinaca kale Halgame Nuur Muxumed Maxamed Faatule oo kamid ah Golaha Dhexe Ee JWXO ayaa shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Dagmada Shaygoosh uga warbixiyay xaalada guud ee Geeska Africa iyo isbadalada siyaasada ee wadanka Itoobiya iyo kan Ogadenia ba.

Halgame Faatule ayaa shacabka ree Shaygoosh kubooriyay in ay Dagmooyinka, Gobolada iyo shucuubta dhaqaaqday lajaan qaadaan, oo ay ka gilgishaan wixii soomaray.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulan waynihii dhex maray Madaxda JWXO iyo shacabka Dagmada Shaygoosh.

ONA Shaygoosh.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay