Waxaa Tuulada Caado oo Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo katirsan gaadhay Wafti balaadhan oo kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa siwayn loogusoo dhaweeyay Tuulada Caado, halkaas oo siwayn looga sugayay waftiga.

Waftiga ayaa soodhawayn kadib kulan balaadhan kuqabtay badhtamaha Tuulada, waxaana shacabka Tuulada khudbad mug iyo miisaan leh usoo jeediyay Halgame Axmedyaasiin Sh Ibraahim oo kamid ah mas’uuliyiinta sarsare ee JWXO.

Mudane Axmed Yaasiin ayaa shacabka uga xog waramay isbadalada Geeska Africa iyo marxalada cusub ee dhulka Soomaalida Ogadenia, wuxuuna halgame Axmed Yaasiin ifiyay mowqafka JWXO ee cad.

Socdaalka Waftiga JWXO ee Gobolka Doollo ayaa kamid ah socdaalo kala duwan oo madaxda JWXO ay kumarayaan Gobolada iyo Dagmooyinka wadanka.

ONA/Caado.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay