Waxaa Dagmada Danood ee Gobolka Doollo gaadhay Wafti Kasocda JWXO oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim.

Shacabka Gobonimo jacaylka lagu yaqaano ee Dagmada Danood kudhaqan ayaa waftiga kaga hortagay duleedka magaalada halkaas oo ay si diiran ugu soodhaweeyeen.

Soodhawayn kadib Waftiga ayaa dadka shacabka ah ee ree Danood kula hadlay badhtamaha magaalada, waxaana khudbad taariikhi ah usoo jeediyay Halgame Axmedyaasiin Sh Ibraahim.

Mudane Axmedyaasiin ayaa shacabka uqeexay mowqafka JWXO ee ku aadan isbadalada siyaasada ee Itoobiya iyo Ogadenia ba.

Waxgaradkii kulanka kasoo qayb galay ayaa dhankooda muujiyay taageerada ay uhayaan halganka iyo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo ah mida caynaanka halganka haysa.

Gabagabadii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Madaxda JWXO iyo shacabka Dagmada Danood.

ONA/Danood.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay