Waxaa Dagmada Galadiid (Boodalay) ee Gobolka Qoraxay gaadhay Wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftiga ayaa soodhawayn balaadhan oo shacabka ree Galadiid ay usameeyeen kadib meel fagaare ah kula hadlay dadka halgan jacaylka kucaan baxay ee ree Galadiid.

Halgame Nuur Muxumed Maxamed Faatule ayaa shacabka ree Galadiid ufasiray nidaamka cusub ee Madhamar lagu magacaabo, kaas oo Shacabka Soomaalida Ogadenia aan wax dan ah uhaynin.

Sidoo kale Halgame Cabdiqaadir Gamaadiid ayaa sharaxaad dheeri ah kabixiyay Nidaamka Madhamar kaas oo ah mid aan la aqbali karin, Isla markaana aan u oolin shacabka Soomaalida Ogadenia.

Shacabka ree Galadiid ayaa dhankooda aad usoo dhaweeyay mowqafka JWXO ee ah in aan lagu laabanin nidaamkii Dhargiga waxayna shacabku aad utaageereen in horay looga socdo halka lajoogo.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray shacabka Dagmada Galadiid iyo waftiga JWXO ee Gobolka Qoraxay.

ONA/Galadiid.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay