Wafti Kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa saaka subixii hore booqday Qubuuraha ay ku aasan yihiin qaar kamid ah shuhadadii Ciidanka JWXO, oo ku aasan badhtamaha Dagmada Galadiid.

Waftiga JWXO ayaa aad ugu duceeyay Shuhadadan oo dagaalkii Eebo-cadaw ee dhacay 11/11/2009 kii, kaas oo ahaa howl gal uu Hogaanka sare ee JWXO qorsheeyay guulo badana lagasoo hoyiyay.

Dagaalka Eebo-cadaw ee Galadiid ayaa lagu burburiyay Raadaalkii ay ciidanka Mulatariga Itoobiya kula socon jireen dhaqdhaqaaqa ciidanka JWXO iyagoo adeegsanaya qalabka GPS looyaqaano, waxaana habeenkaas cashir lama ilaawaan ah loo dhigay ciidankii kooxda TPLF ay kunaaloon jirtay.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu dhamaan shuhadada CJWXO shahaadadooda ka aqbalo inta noolna uu xoriyad taam ah gaadhsiiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay