Waxaa Tuulada Karin-bilcile oo Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay katirsan lagusoo dhaweeyay Wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo Socdaal Kumari doona Dagmooyinka Gobolka Qoraxay ayaa Shir Balaadhan uqabtay shacabka ay Jabhadu utaqaano walaalaha halganka, waxayna madaxda waftiga hogaaminayso ree Karin-bilcile uga Mahad celiyeen tacabkii ay halganka galiyeen.

Intaas kadib madaxda ayaa shacabka Tuulada uga warbixiyay Nidaamka Madhamar ee dalka kucusub iyo mowqafka JWXO ay ka istaagtay.

Sidoo kale Waftiga JWXO ayaa shacabka ree Karin-bilcile kudhiiri galiyay in ay halkoodii kasii wadaan dadaalkii lagu bartay ee Gobonima doon.

Wixii kasoo kordha socdaalka Waftiga kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Karin-bilcile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay