Waxaa Tuulada Qoriile oo Dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan gaadhay Wafti balaadhan oo Jabhad Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kasocday.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay Tuulada Qoriile, halkaas oo dadka shacabka ah ay kaga hor tageen duleedka Tuulada.

Soodhawayn kadib Waftiga ayaa Shir Balaadhan uqabtay dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Qoriile, waxaana warbixin ay shacabku in badan tabayeen siiyay mudane Axmedyaasiin oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Ururka.

Mudane Axmedyaasiin ayaa sidoo kale shacabka uga xog waramay Nidaamka cusub ee Madhamar kaas oo ah mid shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia aan dan ugu jirin.

Shacabka kudhaqan Tuulada Qoriile ayaa dhankooda aad ugasoo horjeedsaday nidaamkan aan dadka lagala tashanin ee Madhamar, kaas oo siwayn ay isu hor taageen.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Madaxda JWXO iyo shacabka Tuulada Qoriile.

ONA Qoriile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay