wafdi sare oo ay hor kacayaan  gudoomiye ku xigeenka 1aad  ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar & Hoganka Abaabulka Arimaha Bulshada Mudane Maxamed Cabdi Yasiin (Diirane)  oo mal mahanba socdaal kormeer shaqa ah ku marayay wadamo badan oo ka tirsan Qaaradan Yurub ayaa galabnimadii shalay shir si hersare ah loo soo agaasimay ku qabtay xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm ee wadanka Sweden.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan  Bulsha waynta  Soomaalida Ogaadeniya &Soomaali wayn ee ku nool wadanka Sweden ayaa lagu furay Aayadaha Quranka kariimka ah, kadibna waxa loo kacay Heesta Calanka Soomaalida  Ogadeniya .
Shirka oo horay loo sii guda galay waxa furaya Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida Ogaadeniya ee dalka Sweden Mudane  C/Naasir (Gadhwayne) asagoo soo dhaweeyay madaxda JWXO ee madasha fadhiday & dhamaan marti sharaftii ka soo qaygashay shirkan qiimaha badan ,waxa uu sidoo kale Gudoomiyuhu fahfaahin ka bixiyay wax qabadkii  bilihii ugu danbeyay ee la soo dhaafay asagoo xusay in Jaaliyadu ku sii fafayso ooy unugyo cusub ku yeelatay gobalda wadankan Sweden qaarkood.

Intaa kadib wax codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Hoganka Abaabulka & Arimaha Bulshada JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yasiin oo halka ka soo jediyay khudbad dheer oo dhinacya badan tabanaysay islamarkaana uu diirada ku saaray Halganka ay JWXO hogaaminayso sida uu waajibka ugu yahay bulsha Soomaalida Ogadeniya melkasta oy joogto,dhinaca kale waxa uu carabka ku adkeeyay Hogaanku dagaalka ka socda Ogadeniya ee ay JWXO hogaaminayso inuu yahay waajib fardul-Cayn ah loona baahanyahay in qofkasta ka qayb qaato,sidoo kale Mudane Diirane ayaa dhawajiyay in Jaaliyadaha Somaalida Ogadenia ee dibaduhu yihiin kuwa kali ah ee shacabka isku xidhi kara  una noqon kara Safaaradii ay bulshadu ku soo hiran lahayd halgankana laga taageri lahaa.
Waxa sidoo kale  ka hadalay madashii shirka qaar ka mid ahaa Ugaasyo,Salaadiin & Odayaal dhaqameedyadii Soomaliyeed ee shirka ka soo qayb gashay ayagoo dhamantood hoosta ka xariiqay in ay la garab istaagi doonaan hil & hooba Halganka Xornimo doonka ah ee ka socda dhamaan Gobalada Somalida Ogadeniya, sido kale Abwaan Galkacayo ayaa halka ka muujiyay wacdaro asagoo ku tag tagsaday Gabay dheer oo ka hadalayay  yalda Ogadenia & in aan laga daalin Halganka xaqa ah ee ka socda Ogadeniya.

Nasasho yar kadib waxaa halkii laga sii anba qaaday shirkii oo aha mid ay dadku ka xiisa dhigi waayeen,waxaana Codbaahiyaha lagu soo dhaweey Gudoomiye ku xigeenka JWXO Mudane Maxamed Ismaciil oo halka ka soo jeediyay warbixin dheer oo uu kaga hadalay  xalada Somalida Ogadeniya  dal & dibadba , waxa uuna ku dheeraday GKX ku  xalada ciidan & siyaasadeed ee JWXO  oo ah runtii mid maanta lagu faani karo islmarkaana xidhiidhi galisay xukuumada dhiigyacab Mels oo horay loogu tilmaami jiray libaaxii Afrika  , wax uuna carabka ku adkeeyay Gudoomiye ku xigeenku in Gumaysiga lagaga adkaaday gudaha Ogadeniya & siyaasadii aduunkaba islamakaarana uu hada bilaabay in uu dagaalkii u soo raro dibada waxayna taasi ku tusinaysa in Gumaysigu hada maraayo nafla caari uuna maraayo marxaladii ugu danbaysay ,sidoo kale Mudane Maxamed Ismaciil waxa uu sheegay in Gumaysigu isku dayay wax yaabo badan oo uu islaha  waxad ku  joojin karta Halganka Somalida Ogadeniya ee JWXO hurmuudka ka tahay ay socon wayeen hadana  tani ayna socon doonin shacbka Ogadeniyana yahay dad adkaysi badan islmarkaana neceb Gumaysiga & Gumaysi kalkalkaba.

Dhinaca kale wax asna madasha shirka hadalo qiira badan ka soo jediyay sidii horayba looga bartay Mudane Riyaale Xaamud  waxa uuna Riyaale ugu baaqay umadii Soomali wayn ee shirka lagu casuumay in ay ka qayb qataan Halganka lagu xoraynaayo asgoo xusay in Halganku uusan ahay qabiil ee uu yahay qara, waxa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii JWXO ee ka soo qaygashay shirka Mudane Gamadiid iyo kuwo kale oo badan.
Guntii & gabobadii shirkan oo aha mid  aad u xiisa badna ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed , waxaana  malinta Barito ah halka ka sii socon doona hadii ilaaha awooda lihi idmo  shir khaas ah oo ay isugu iman doonan xubnaha Jaaliyada & madaxda JWXO ee ku sugan magaalada Stockolm.
ONA Sweden

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay