Waxaa Tuulada Dhuure oo Dagmada Kudunbuur ee Gobolka Qoraxay katirsan kaqabsoomay kulan muhiim ah oo udhaxeeya Madax Katirsan JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Tuulada Dhuure.

Ugu horaynba waxaa Odayaasha warbixin mug leh siiyay Naftii Hure Nuur Maxamed Muxumed Faatule oo waftiga hogaaminayay, wuxuuna Halgame Faatule si wayn usharaxay Nidaamka Madhamar oo ah mid Cusub ka hortagna ubaahan

Odayaasha Dhaqanka oo markii horaba ka xumaa qaadashada Nidaamka Madhamar ayaa siwayn usoo dhaweeyay mowqafka JWXO ee ku aadan Madhamar, iyagoo xusay in aysan ogolaan doonin wax kayar Ismaamul.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa waftiyo badan udirtay Gobolada Wadanka Ogadenia, kuwaas oo wacyi galin balaadhan siinaya shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA/Dhuure.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay