Waxaa Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay galabta kaqabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Dhalinta OYSU ee Dagmada Qabridahare.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu casuumay qaar kamid ah Madaxda JWXO oo ay kamid ahaayeen Mudane Maxamed Ibraahim Mursal iyo halgame Cabdiqaadir Gamaadiid.

Furitaan Diini ah kadib waxaa dhalinta khudbad guubaabo ah usoo jeediyay Gudoomiyuha Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay Mudane Faysal Naftii Gade, wuxuuna gudoomiyuhu kusoo dhaweeyay Mudane Maxamed Ibraahim oo kamid ah Madaxda sar sare ee JWXO.

Mudane Maxamed ayaa dhalinta uga xog waramay marxalada lagu jiro, isagoo xusay in lagaadhay xiligii ay dhalintu doorkooda qaadan lahaayeen.

Dhalinta OYSU ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar uyihiin difaaca unada, iyagoo kaashanaya aqoontooda iyo qalinka oo ah midka lagu halgamayo hada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay