Waxaa siguul ah kusoo dhamaaday Socdaal ay qaar kamid ah Madaxda JWXO kumarayeen Gobolka Doollo ee dhulka Ogadenia.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa Socdaal kubixiyay qaybo kamid ah Gobolka Doollo, halkaas oo ay howlo muhiim ah kasoo qabteen.

Waftiga ayaa shaqadii ugu dambaysay kaqabtay Dagmooyinka Wardheer iyo Lehelow iyo Tuulooyin aad ubadan oo Dagmooyinkaas hoos taga.

Waftiga ayaa shacabka kudhaqan dhulkaas si mug leh ugudbiyay fariintii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo mowqafka JWXO ee ku aadan Nidaamka aan shacabka Soomaalida Ogadenia danta u ahayn ee Madhamar.

Guntii iyo Gunaanadkii Waftigii JWXO ee Gobolka Doollo ayaa kulaabtay magaalada Jigjiga oo ah halkii ay kasoo kicitimeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay