Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulan ay galabta isugu yimaadeen Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kahowl gala Dagmada Ceel-ogaadeen ee Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo ahaa mid abaabul iyo kala howl qaybsi ah ayaa kaqabsoomay gudaha Xafiiska Jabhada ee Dagmada Ceel-ogaadeen, waxaana kulanka khudbad dheer oo xog waran ah kasoo jeediyay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Dagmada Ceel-ogaadeen Halgame Cabdicasiis Nuur Mubaarak.

Sidoo kale waxaa kulanka khudbado dhiiri galin iyo habkii looshaqo qaybsan lahaa ah kasoo jeediyay xubno kamid ah Gudiga Fulinta ee Unugta JWXO ee kahowl gasha Dagmada Ceel-ogaadeen.

Xubnaha kulanka sooxaadiray ayaa dhankooda muujiyay dareenkooda ku’aadan sidii loo dardar galin lahaa howlaha halgan ee Dagmada kasocda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay