Halku dhaga Mudaharaadan ayaa ah, waa in ay dawladu Jawaab Cad ka bixisaa, Masaajida lagu gubayo Gobalka Axmaarada.

Kumanaan Dadwayne ah oo isugu soo baxay Hararge, Bali walaga, Guji, wallo, Jimma, Arsi, Ilaabaabura, Boorana, Shawa, Finfinee, Bunaabadale, Naqamte, Baku, Dase, walo bati, Adama, Nagele, Gindhir, Buleehoraa, Matu, Harar, Diridhaba, awaday, ambo iyo Magaalooyin kale oo Badan ayaa ku dhawaaqaya Halku-dhagyo ka dhan ah Falalka Lagu gubayo Masaajidada Muslimiinta.

Waxayna Dadwaynuhu dawlada ka Codsanayaan in Cadaalada la hor keeno dadkii Ka danbeeyey Gubiska Masaajidada, iyagoo Xusay in 35 Masjid lagubay Intii uu Xilka hayey Raysulwasaare Abiy Axmed.

Muslimiinta Itoobiya ayaa si Cadho leh uga falceliyey Afartii Masjid ee Todobaadkii hore Lagu gubay Gobalka Axmaarada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay