Waxaa Dagmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Sooomaaliya ka qabsoomay Shirwaynihii Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) laantiisa Kismaayo.

Shirkan oo ahaa mid lagu dooranayay maamul cusub oo Ururka OYSU fariciisa Kismaayo uu yeelan doono ayaa lagu qabtay badhtamaha magaalada Kismaayo, waxaana shirka kasoo qayb galay inta badan xubnaha OYSU ee Dagmada Kismaayo.

Doorashada ka qabsoontay magaalada Kismaayo oo ahayd mid daah furan Isla markaana sanduuq loodhigay ayaa lagu kala doortay 2 xubnood oo ahaa xubnihii usharaxnaa xilka OYSU Kismaayo.

Halgame Shaahid Cali Faarax oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon dhalinta OYSU ee magaalada Kismaayo ayaa loodoortay in uu noqdo Xoghayaha cusub ee OYSU Kismaayo.

Xoghayaha Guud ee dhalinta OYSU Mudane Cumar Sheekh Cabdulaahi (Cumar Sooya) oo Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) lahadlay ayaa sheegay in guud ahaan dalalka dunida ay kawadaan howlo lagu dardar galinayo shaqada balaadhan ee utaala dhalinta OYSU.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay